Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan

Baladweyne-(Wargeyska Dalka)-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS, Daahir Shire Maxamed, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Magaalada Beledweyne.

 

Soo dhaweyn ka dib, waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiir Daahir Shire iyo Guddoomiyahii hore ee Gobolka Hiraan, Cali Jeyte Cusmaan oo ka mid ahaa Wafdiga, kuwaas oo si wadajir ah u sheegay in ujeeddada Safarkoodu yahay sidii xal loogu heli lahaa tabashooyinka ay qabaan qaar ka mid ah Bulshada Gobolka Hiiraan.