Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan Yuusuf Jeego, ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya Wasiiru Dowlaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, u qaabilsan Jaaliyadaha Dibadda, Mudane Sufyaan Shaayib.

Labada dhinac ayaa kulanka kaga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada dhaqanka iyo waxbarashada sare, iyo sidoo kale sidii looga faa’iideysan lahaa khibradaha iyo fursadaha ay labada dal ku leeyihiin dhinacyada macdanta iyo khayraadka kalluumeysiga.

Sidoo kale, Dowladda Aljeeriya ayaa kordhisay tirada deeqaha waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed, iyadoo gaarsiisay 100 deeq waxbarasho, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinaca waxbarashada sare iyo kobcinta aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Iskaashigan ayaa qayb ka ah xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyo dadaallada labada dowladood ay ku doonayaan in ay ku ballaariyaan iskaashiga labada dhinac, una furaan fursado cusub oo wax ku ool u ah danaha labada dal iyo shacabkooda.