Jowhar,(Wargeyska Dalka):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaasi oo ay si diirran ugu soo dhoweeyeen Madaxda Sare ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Boqolaal Shacab ah.
Madaxweynaha ayaa Xarigga ka jaray qaybta Terminalka Cusub oo lagu soo kordhiyay Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere oo si Heer Sare ah loo dhisay, taasoo ka mid ah casriyeynta Garoonka Doyaaradaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Jowhar ka qaybgeli doona Munaasabadda Caleemo-saarka Hoggaamiyaha iyo Madaxda kale ee la doortay ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.



















