Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxman Maxmuud Cabdulle(Jaabiri) ayaa furay Shirka hirgelinta Waxbarshadda asaasiga ah ee Deg-deg ah (ABE) oo ay kaalmeeyo mashruuca Bar ama Baro,

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Cabdiraxman Maxmuud Cabdulle(Jaabiri) ayaa furay Shirka hirgelinta Waxbarshadda asaasiga ah ee Deg-deg ah (ABE) oo ay kaalmeeyo mashruuca Bar ama Baro, ayna kasoo qeyb galeen Wasaaraddaha Waxbarshadda Dowlad Goboleedyadda, Gobolka Banaadir iyo madaxa hawlgalka USAID u qaabilsan Soomaaliya, Hay’adda Creative international, Save the children fuliyayaasha Barnaamijkaan.
Shirkaaan oo socday muddo hal maalin ah ayaa diiradda lagu saaray sidii lagu hirgelin lahaay siyaasada hanaanka maamulka iyo hagidda Barnaamijka Waxbarshadda (ABE)ayna maalgeliso Mashruuca (BAR AMA BARO), sidii loo qorsheyn lahaay siyaasada hirgelinta Sanad Waxbarashadeedka soo socda ee 2022-2023, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay kulanka intii uu socday sidii looga gudbi lahaay caqabadaha kasoo laabtay hirgelintiisa siyaasadda barnaamijka BAB ee dhinacyadda kala gedisan ay kala kulmeen ,Wasaaraddaha Waxbarshadda, Gobolka Banaadir, Mashruuca Bar ama Baro iyo Ururuada Waxbarshadda ee aan Dowliga aheyn.
Wasaaradda Waxbarshadda Dowladda Federaalka ee Soomaliya, Mashruuca Bar ama Baro ayaa ku guuleystay in ay diwaangeliyaan 45000, oo arday kuwaas oo aan horey u heysan Waxbarshadda Aas-aasiga nidaamiga ah ee Sanad Dugsiyeedka Cusub 2021-2022 kuwaas oo ku kala sugan Jubbaland, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir, waxaana la rijeynayaa in uu Sanadka soo socda gaaro ilaa 100,000, oo arday taasi oo wax ka tari doonta kobaca Waxbarshadda ee Dadka Soomaliyeed iyo yareynta caruurta gaartay da’da waxbarashada ee ka maqan dugsiyada.
Ugu danbeyn kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa soo xiray kulanka waxaa uuna kula dar-daarmay dhinacyadda u xilsaaran hirgelinta Mashruucaan in ay dhabarka u xirtaan sidii caruurta Soomaliyeed ee aanan helin fursadaha Waxbarshadda ay uga faaiideyn lahaayeen.