Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Agab caafimaad iyo daawooyin kala duwan ku wareejiyey Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo loogu talagalay Isbitaalka Guud ee Magaalada, si loo taageero adeegyada Caafimaad ee Bulshada.
Agabkan ayaa qayb ka qaadanaya daboolidda baahiyaha aasaasiga ah ee Isbitaalka iyo xoojinta Daryeelka Bukaannada.
Wareejinta Agabkan ayaa ku timid amarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyadoo tallaabadani qayb ka tahay dadaallada Ciidanku ku taageerayo Bulshada iyo Adeegyada aasaasiga ah.




