Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay Munaasabadda dhaarinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka qaybgalay Mnaasabadda dhaarinta Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare ee Dalka, Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.

 

Madaxweynaha ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay Munaasabadda kula dardaarmay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare in uu si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh u guto waajibaadka Dastuuriga ah ee loo idmaday, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta Madax-Bannaanida Garsoorka, dhowrista Sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay.

 

Munaasabadda waxaa Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Caddaalladda iyo Dastuurka.

 

FB_IMG_1794048469709.jpg

FB_IMG_1794048464333.jpgFB_IMG_1794048454056.jpgFB_IMG_1794048459074.jpg

FB_IMG_1794048469709.jpg