Qorshaha Maalgelinta Saddexda Sano ah ee Türkiye wuxuu taageeri doonaa sahaminta Dayaxa, Tignoolajiyada Gantaalada ee Gudaha lagu sameeyo iyo horumarinta Deked hawada sare ah oo Soomaaliya ah si loo xaqiijiyo marin Madax-bannaan oo loo maro wareegga Hawada Sare.
Turkiga ayaa qorsheynaya inuu u qoondeeyo in ka badan 20 bilyan oo Lacagta Lira-ga Turkiga ah ($398.7 milyan) Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga, si loo dedejiyo yoolalka Barnaamijka Hawada Sare ee Qaranka iyo in la yareeyo ku tiirsanaanta Qaranka ee Tiknoolajiyada Hawada Sare ee shisheeye.
Qaybta Sannadlaha ah ee ku jirta xirmada Maaliyadeed ee Sddexda Sano ah ayaa la filayaa inay ka korodho $117.2 Milyan Sannadka 2027, oo ay gaarto $134.5 Milyan Sannadka 2028, isla markaana ay gaarto $147.4 Milyan Sannadka 2029.
Wadarta guud ee lacagaha, qiyaastii 398.5 milyan oo Doolar ayaa loo qoondeyn doonaa taageeridda Barnaamijka Hawada Sare iyo Duulista ee Qaranka, halka qiyaastii 533,400 oo doollar loo qoondeyn doono Barnaamijka Maamulka iyo Taageerada.
Lacagahan ayaa taageeri doona Ganacsi-abuurka ku dhisan Tiknoolajiyadda Casriga ah, Cilmi-baarista iyo horumarinta, iyo sidoo kale soo-saarista iyo tijaabinta Gudaha ee nidaamyada iyo qaybaha nidaamyada muhiimka ah ee Hawada Sare.
Waxay sidoo kale dardar gelin doonaan dadaallada barnaamijka sahaminta Dayaxa ee Türkiye, si loo gaaro degitaan adag oo Dusha Sare ee Dayaxa ah Sanadka soo socda iyo hubinta marin u helidda Madaxa Bannaan ee wareegga, iyada oo loo marayo Deked Hawada Sare ee Soomaaliya.
Dayax-Gacmeedka, oo ay samaysay hoggaanka qaybta Hawada Sare ee Hay’adda Cilmi-baarista Sayniska iyo Teknolojiyadda (TUBITAK), ayaa Cilmi-Baaris ku samayn doona wareegga Dayaxa, wuxuuna hoos ugu degi doonaa Dusha Sare ee Dayaxa, isagoo adeegsanaya nidaamkiisa kicinta isku-dhafka ah ee Guriga lagu beero.
Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga ayaa sidoo kale ka shaqeyneysa sidii loo heli lahaa marin Madax-Bannaan oo loo maro wareegga Hawada, iyadoo horumarineysa Tiknoolajiyada Gantaalada Gudaha lagu sameeyo iyo sameynta Deked Hawada Sare ah oo ka dhacda Soomaaliya, taasoo u sahlaysa Turkiga inay soo saarto Dayax-Gacmeedyadeeda, isla markaana ay u adeegto codsiyada duulista Caalamiga ah Mustaqbalka.
Hay’addu waxay sidoo kale bartilmaameedsanaysaa sahaminta Hawada Sare iyadoo dejinaysa xarun Cilmi-Baaris iyo horumarin oo horumarsan, si loo horumariyo Tiknoolajiyada isku-dhafka ee nidaamyada kicinta Mustaqbalka.
Xaruntu waxaa la filayaa inay Sannadka soo socda gaarto heer 60 Boqolkiiba ah oo dhammaystir ah, isla markaana si buuxda loo dhammaystiri doono marka la gaaro Sannadka 2029-ka.
Waxaa socda qorshayaal lagu dhisayo xarun lagu dabaqo Cimilada Hawada si loola socdo loona qaabeeyo isbeddelka Cimilada Hawada. Xarunta waxaa la filayaa inay dhammaystirto ilaa 40 Boqolkiiba muddada maalgelinta Saddexda Sano ah Gudahood.
Xigasho:َAA

