wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa kulan rasmi ah oo laba geesood ah la yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Anis Matta, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Indonesia ee magaalada Jakarta.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah iyo horumarinta iskaashiga labada dal, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga, beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha badda, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo amniga badda.
Sidoo kale, labada dhinac waxay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda, kobcinta awoodda hay’adaha, iskaashiga dhinacyada badan iyo isku-duwidda mowqifyada labada dal ee madalaha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Labada dhinac waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga labada dal, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo iskaashi wax-ku-ool ah oo ku dhisan is-ixtiraam, dano wadaag iyo horumar waara

