Xafladda caleema-saarka hoggaanka Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb

qaban-qaabadii ugu dambeysay ee munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa si rasmi ah maanta uga socota Magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah Gobolka Gaalgaduud.

Guddigga qabanqaabada ayaa ku howlan habsami u fulinta sidii saacadaha soo sovda loo bilaabi lahaa xafladda caleemo saarka hoggaanka cusub ee dhowaal loo magacaabaymaamulka Galmudug.

Hoggaamiyaha Dowladda-Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa maalinimadii shalay si rasmi ah ula wareegay Xafiiska Madaxtooyada Galmudug, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanka Galmudug, wasiirro iyo marti sharaf kale.