Kulanka Madasha Horumarinta Dhaqaalaha oo galay maalintii 2-aad

as’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho kaga qeyb-galay madal qaran oo looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha wareega.

Kulanka madashaan oo loogu talagalay in ay socoto muddo laba cisho ah waxaa lagu lafagurayaa abuuritaanka fursado shaqo iyo dadaallo ku aadan sidii looga faa’ideysan lahaa qeybaha uu ka kooban yahay qashinka ee lagu daadiyo waddooyinka.

Madasha ayaa sidoo kale xoogga lagu saarayaa in la yareeyo nuucyada qashinka,isla markaana farsamo ahaam loo adeegsado dib u habeyn, si looga faa’ideysto dhinacyada beeraha iyo soo saaridda qalabka.

Madashaan oo hal-ku-dheg looga dhigay qashinka aan u badalno kheyraad iyo fursado dhaqaale,waxaa daahfuray Xasan Aadan Hoosoow Guddoomiyaha Dhaqaalaha Qaranka,ahna la Taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee madaxweynaha Soomaaliya.