Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa duleedka magaalada Baraawe kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee Qaybta 60-aad iyo Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Qaybta 1-aad.
Taliyaha ayaa ciidamada u jeediyey dardaaran iyo dhiirrigelin ku aaddan gudashada waajibaadka qaran ee saaran, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay feejignaanta, geesinnimada, isku-duubnida iyo ilaalinta amniga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay muujiyaan diyaar-garow buuxa, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadkooda, kana faa’iideystaan fursad kasta oo ay ku wiiqi karaan awoodda Khawaarijta, kuna sugi karaan amniga deegaannada laga xoreynayo.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa ku boorriyey geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka in ay sii xoojiyaan dadaalkooda, ayna muujiyaan karti, adkaysi iyo waddaniyad, si loo xaqiijiyo himilada ah Soomaaliya nabad ah, ammaan ah, midaysan, kana xor ah Khawaarijta.

