Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay Iskaashiga Istiraatiijiyadeed eeDifaaca

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Sarreeye Guud Sabahattin Kılınç, Taliyaha Taliska Istiraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga ah ee Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada difaaca iyo amniga, horumarinta wada-shaqeynta milatari, xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo faragelinta shisheeye ee taageerta kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka ayaa bogaadiyey taageerada walaalaha Turkiga ay Soomaaliya ka siiyaan dadaallada la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Yuusuf Cali Maxamed; Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise; iyo Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada TURKSOM, Sarreeye Gaas Sabahattin Kalkan.