Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug oo xilka la wareegay

Hoggaamiyaha Dowladda-Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah ula wareegay Xafiiska Madaxtooyada Galmudug, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanka Galmudug, wasiirro iyo marti sharaf kale.

Berri ayaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ay ka dhacdo munaasabadda caleema-saarka Hoggaanka cusub ee Galmudug, taas oo ay ka qeyb geli doonaan madaxda sare ee dalka iyo marti sharaf kala duwan.