Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa tallaabada ay Israa’i1l ku sheegtay inay safiir u soo magacawday Hargeysa, iyo dhagax dhigga dhisme ay ku sheegtay safaarad ku taalla dhulka Soomaaliyeed.
Tallaabooyinkaan la qaaday iyada oo aan oggolaansho laga haysan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si bareer ah u jebinayaan madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya waxay u aqoonsanaysaa tallaabooyinkaas kuwo waxba kama jiraan ah oo aan wax saameyn sharci ah lahayn.
Hargeysa iyo gobolka Waqooyi galbeed waxay weli yihiin qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Aasaasidda xiriir diblomaasiyadeed iyo furitaanka xarumo diblomaasiyadeed oo joogto ah waxay u baahan yihiin oggolaanshaha Dowladda leh madaxbannaanida dalka, sida uu dhigaayo heshiiska Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed.
Ma jirro tallaabo hal dhinac ah oo baal mari karta shuruuddaas ama wax ka beddeli karta maqaamka dhulka Soomaaliyeed.
Tallaabooyinkaani waxay sii xoojinayaan aqoonsigii sharci darrada ahaa ee Israa’1il ku dhawaaqday bishii Diseembar 2025, kaas oo ay hore u diideen Midowga Afrika, Urur-goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, xilli ay sii kordhayaan walaacyada amni ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, tallaabooyinka dhiirrigelinaya kala qaybsanaanta isla markaana iska indha tiraya xuduudaha caalamku aqoonsan yahay waxay halis u yihiin inay sii kordhiyaan xiisadaha ka jira gobolka oo markii horeba xaaladdiisu nugushahay.
Soomaaliya waxay Israa’il u sheegeysaa in ay si degdeg ah uga laabato tallaabooyinkan, waxayna dhammaan dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqaysaa in ay diidaan, kana fogaadaan wax kasta oo sharciyad siin kara.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo mida sharci ee ku habboon, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, si ay u difaacdo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya waa in la ixtiraamaa. Midnimada ummadda Soomaaliyeedna ma ahan mid gorgortan geli karto.
DHAMMAAD

