Guddoomiyaha golaha shacabka oo kormeer ku tagay dekedaha iyo xarumaha ganacsiga ee Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo safar rasmi ah ku jooga wadanka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta booqasho ku tagay dekedaha iyo xarumaha ganacsiga ee Jabuuti, oo ay ka mid yihiin Aagga Ganacsiga Xorta ah ee PK23 (PK23 Free Zone), Dekedda Konteenarrada ee Doraleh (SGTD) iyo Dekedda Adeegyada Kala Duwan ee Doraleh (DMP).

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa booqashada uu ku tagey dekedaha iyo xarumaha ganacsiga ee Jabuuti, oo ay ka mid yihiin Aagga Ganacsiga Xorta ah ee PK23 (PK23 Free Zone), Dekedda Konteenarrada ee Doraleh (SGTD) iyo Dekedda Adeegyada Kala Duwan ee Doraleh (DMP) ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinaca ganacsiga, is-dhaafsiga khibradaha ku saabsan hababka casriga ah ee maamulka dekedaha, maareynta xamuulka, horumarinta adeegyada saadka iyo fududeynta ganacsiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa bogaadiyey Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti horumarka muuqda ee ay ka sameysay maamulka iyo casriyeynta dekedaha, tayeynta adeegyada saadka, horumarinta kaabeyaasha ganacsiga iyo fududeynta maalgashiga.