Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay U-Qaabilsanaha Difaaca ee Dowladda Jarmalka, Gaashaanle Dhexe Michael Lüx.
Kulanka oo ay Goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah Hoggaannada Taliska Guud ee CXDS ayaa looga hadlay Amniga Ee Somaliya, saameynta xaaladda Amni ee Gobolka Geeska Afrika, u diyaar-garowga la wareegista Amniga Dalka, Iskaashiga Amniga Badda iyo xoojinta wada-shaqeynta Labada Dal ee dhinacyada difaaca iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

