Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo soo bandhigtay Baasaboorka cusub ee Soomaaliya

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) waxa ay Bulshada la wadaagaysaa Muuqaalka Cusub ee Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka kooban saddex nooc: Baasaboorka Caadiga ah (Ordinary Passport), Baasaboorka Shaqada (Service Passport) iyo Baasaboorka Diblomaasiga ah (Diplomatic Passport).

 

Muuqaalka Cusub ee Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu Astaan u yahay Aqoonsigeenna Qarannimo, haybteenna Soomaaliyeed iyo matalaadda Dalkeenna ee Caalamka.