Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Madax Dhaqameed ka socda Waqooyiga Dalka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madax-Dhaqameed ka yimid Gobollada Waqooyi ee (Somaliland), kuwaas oo Maalmahan ku sugnaa Caasimadda Muqdisho.

Madax-Dhaqameedka uu Madaxweynuhu qaabilay ayaa kala ah Boqor Ibraahim Boqor Cali Xuseen, Suldaan Maxamuud Axmed iyo Suldaan Cumar Cismaan Goodir. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta Xiriirka, wadajirka Bulshada Soomaaliyeed iyo doorka Hoggaanka Dhaqanka ee adkaynta is-fahamka iyo isku-duubnida Ummadda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay Madax-Dhaqameedku ku leeyihiin ilaalinta Midnimada, Nabadda iyo wadajirka Bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in wada-hadalka, is-qaddarinta iyo xiriirka soo jireenka ah ee Dadka Soomaaliyeed ay yihiin tiirar muhiim u ah xoojinta Walalinimada, kalsoonida iyo Midnimada ka dhaxeysa Dadka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Madax-Dhaqameedka inay sii xoojiyaan doorkooda ku aadan Nabadaynta, isu-soo-dhoweynta iyo adkaynta wadajirka Bulshada Soomaaliyeed.