Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Guddoomiye Cusub u magacaabay Degmada Boondheere

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Cumar u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, waxaana xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Degmada, Mudane Cabdullaahi Xasan Sheekh Cabdi.

 

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Boondheere, Mudane Maxamed Cabdullaahi Cumar, inuu mudnaan gaar ah siiyo Horumarinta Degmada, Bilicdeeda iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.