Golaha Hannaanka Cunnada iyo Nafaqada ayaa maanta shir heer farsamo ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dardar galinayo sidii dalka u gaari lahaa isku filnaanshaha xagga cuntada .
Golahan oo ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo 12 wasaaradood ayaa lagu falanqeeyay siyaabaha ugu habboon ee loo gaari karo amniga cunada, loogana fogaan karo sababaha dhaliya nafaqo darada, sida uu xusey Mudane Cabdirishiid Sayid oo ah la taliye sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Golahan ayaa ah mid jiheeya aragtida dowladda ee ku aaddan isku filnaanshaha cunnada , laba gaarsiiyo Soomaaliya sidii looga gudbin lahaa dhibaatooyinka ay la kulanto.<
Agaasimaha Waaxda Amniga Cunnada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Muuse Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in shirkan oo noqon doona mid joogto ah uu xoojinayo isweeydaarsiga xogaha , mideynta dedaalada lagu raadinayo xalka waara iyo sugnaanta cuntada, isaga oo hay’addaha dowladda ku adkeeyay in mudnaan gaar ah siiyaan hawshan.



















