Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho rasmi ah ku tegay xarunta safaaradda JFS ee magaalada Qaahira

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Mudane Cali Cabdi Awaare iyo diblomaasiyiinta safaaradda.

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta safaaradda, isagoo bogaadiyay dadaalka iyo shaqada uu danjiruhu ka hayo matalaadda qaranka, ilaalinta danaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Masar.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar Mudane Cali Cabdi Awaare ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wasiirka booqashada uu ku yimid safaaradda, isagoo adkeeyay in safaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo kor u qaadista sumcadda iyo danaha qaranka Soomaaliyeed ee dalka Masar.