Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey Shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda guud ee Amniga Deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda Amni, xoojinta sugidda Amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo Nabadda iyo xasilloonida Deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso Amniga iyo Nabadgelyada Shacabka, iyadoo la dardargelinayo wada-shaqeynta Hay’adaha Amniga iyo dhammaan qeybaha ay khuseyso ee ka shaqeeya ilaalinta Amniga iyo xasilloonida Deegaannada Maamulkaas.
Intii uu socday Shirka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola socdo xaaladda Amni, lana xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo Amniga guud, si Shacabka ku nool Deegaannada Koonfur Galbeed ay u helaan Nabadgelyo iyo xasillooni.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dadaallada lagu sugayo Amniga iyo dardargelinta howlaha ay Hay’adaha Amnigu u hayaan Bulshada. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in ilaalinta Nabadgelyada Shacabka iyo Hantidoodu ay tahay mas’uuliyad mudnaan gaar ah u leh Dowladda Koonfur Galbeed.
Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eleey), Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Isaaq Maxamed Korsaar, iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mudane Cabdiraxiin Maxamed Xasan (Laamey).



