Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo si waafaqsan qodobka 10-aad, farqadiisa 4-aad ee sharciga dhisidda guddiga iyo qodobka 7-aad farqadiisa (j), ee sharciga doorashooyinka qaranka ee ku saabsan cayimidda taariikhda qabashada doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey taariikhda la-qabanayo doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa ku wargeliyay cid kasta oo daneyneysa in ay furan tahay diiwaangelinta ururada siyaasadda laga bilaabo 01/11/2026 ayna ku egtahay 22/11/2026.
Sidoo kale, Guddiga madaxa bannnaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa la socodsiiyay dhammaan daneeyeyaasha doorashooyinka in ay ka faa’ideystaan fursaddan si ay qeyb uga noqdaan hannaanka geedi-socodka doorashooyinka iyo dimuqraaddiyeynta dalka.



