Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Shir guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee Hoggaanka Wasaaradda

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Hon. Ali Yusuf Ali (Xoosh), ayaa Shir guddoomiyay Kulanka Billaha ah ee hoggaanka Wasaaradda.

Shirka oo ay ka qayb-galeen Wasiiru-Dowlaha, Mudane Sadad Alio, Wasiir-ku-xigeenka, Mudane Abdihakim Hassan Ashkir, iyo Agaasimaha Guud, Mudane Abdulkadir Ali, ayaa lagu falanqeeyay howlaha kala duwan ee Wasaaradda.

Ajendayaasha Kulanka waxaa ugu muhiimsanaa xoojinta wada-shaqeynta, dhammaystirka qorshayaasha mudnaanta leh ee Sannadkan, diyaarinta howlaha Sannadka soo socda, xoojinta isla-xisaabtanka iyo hiigsiga natiijooyin wax-ku-ool ah.

 

 

FB_IMG_1793443034736.jpgFB_IMG_1793443045471.jpgFB_IMG_1793443053848.jpg