Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidoow, ayaa Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Baku si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), oo booqasho ku tagay Safaaradda.
Guddoomiye Cali Shiine ayaa bogaadiyay dadaalka iyo shaqada diblomaasiyadeed ee Safaaraddu u hayso qaranka, isaga oo Danjiraha uga mahadceliyay sida dhow ee uu ula socday xaaladda Ciyaartoyda iyo Mas’uuliyiinta Xulka Qaranka Soomaaliya ee U-15 intii ay ku sugnaayeen Dalka Azerbaijan, iyo garab-istaaggii uu u muujiyay.
Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa dhankiisa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay hawlaha Safaaradda iyo dadaallada lagu xoojinayo Xiriirka iyo Iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan.


