Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgali doono Kalfadhiga caadiga ah ee 56-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta.
“Ka qeybgalka kalfadhigan wuxuu fursad muhiim ah u yahay xoojinta iskaashiga warfaafineed, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Jaamacadda Carabta” ayuu yiri wasiir Cabdifiraax.



