Agaasimaha Tv-ga Qaranka oo Finland kula kulmay agaasimaha fukinta hay’adda Vikis

Agaasimaha TV-ga Qaranka Soomaaliya, Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar, oo hawlo shaqo u jooga magaalada Helsinki ee dalka Finland, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Marjo Heinonen oo ah Agaasimaha fulinta ee hay’adda Vikis, Marko Krapu oo ah maamulaha soo saarista wararka luuqadaha kala duwan ee Yle, iyo Olli Linqvis oo ah madaxa qaybta siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Yle News.

Kulamada ayaa looga hadlay wada shaqaynta iyo iskaashiga muddada dheer ka dhexeeya TV-ga Qaranka Soomaaliya, warbaahinta Finland ee Yle iyo hay’adda Vikis, iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkaas.

Mas,uuliyiinta ayaa si gaar ah diiradda u saaray isdhaafsiga khibradaha iyo tababarrada la xiriira tebinta doorashooyinka, soo saarista barnaamijyada nabadda iyo diyaarinta barnaamijyo ka hadlaya dadka naafada ah iyo xuquuqdooda.

Agaasimaha TV-ga Qaranka, Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar, ayaa uga mahadceliyey maamulka Yle iyo hay’adda Vikis taageerada iyo dadaalka ay muddada dheer ku bixiyeen horumarinta qaybaha kala duwan ee warbaahinta Qaranka Soomaaliya.