Wasiir Fiqi oo Moscow kula Kulmay Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

asiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka qaybgalay Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika, ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka, Vasiliy Osmakov.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amni ee gobolka iyo tan caalamka, iyo mowduucyada kale ee mudnaanta u leh labada wasaaradood.

Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.