Wafdi ka socda Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa maanta Magaalada Kigali loogu soo gabagabeeyay aqoon-kororsi ku saabsanaa hagaajinta adeegyada lagama maarmaanka u ah daryeelka qoysaska iyo carruurta.
Aqoon-kororsigaan waxbarasho waxaa soo qabanqaabisay hey’adda SOS ee Dalka Rwanda,waxaa sidoo kale ka qeyb galay Kuxigeenka Hay’ada SOS Somalia iyo Madaxda SOS ee Kenya.
Waxyaabaha muhiimka ah ee looga hadlay aqoon-kororsigaasi waxaa kamuid ahaa xoojinta qoysaska, ka hortagga kala-tagga carruurta iyo waalidkood, daryeelka ku salaysan qoyska iyo bulshada iyo isku-xirka adeegyada ilaalinta, waxbarashada iyo taageerada bulshada.
Mas’uuliyiinta wasaaradda ee ka qqeybgalay aqoon-kororsigaasi waxaa kamid ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Marwo Maryan Ali Abukar, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Bashiir Cumar iyo saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda.
Aqoon-kororsigaan oo socday muddo todobaad ah waxaa casharrada laga bartay loo adeegsan doontaa xoojinta Qorshaha Qaranka ee dib-u-habaynta daryeelka Carruurta, iyadoo lagu salaynayo duruufaha iyo nidaamka federaalka Soomaaliya.
Top of Form

