Muqdisho oo lagu qabtay xuska 103-aad ee aasaaskii jamhuuriyadda turkiye

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka , Guddoomiyaha Aqalka Sare, xildhibaano, wasiiro, danjireyaal iyo saraakiil ciidan ayaa ka qeybgalay xaflad lagu qabtay magaalada Muqdisho oo lagu xusaayay sanad-guuradii 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Jamhuuriyadda Dalka Turkiye.

Munaasabaddaasi ayaa inta badan looga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iskaashiga labada dal iyo kaalintii dowladda Turkiga ee ku aadan taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa iyo waqtigaan xaadirka ah ee la joogo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xafladdaasi ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, si looga wada shaqeeyo horumarka iyo danaha ay wadaagaan labada shacab.

Sidoo kale, Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa ka warbixiyay xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal iyo muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Munaasabadda sanad-guurada 103-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid istiraatiiji ah, iyadoo labada dal ay sii wadaan dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah.

xus2.jfifxus3.jfif