Xaflad soo dhoweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay wafdi ka socday dhaqanka Soomaaliland

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday Magaalada Muqdisho oo loo sameeyay wafdi dhabka dhaqanka ah oo ka socday Soomaaliland.

“Dhaqanka Hargeysa nooga yimid, waxaan leeyahay kusoo dhowaada magaaladiinna iyo shacabka Muqdisho”,sidaasi waxaa yiri Mudane \muungaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu ka dhawaajiyay in ay lagama maarmaan tahay sidii looga shaqeyn lahaa midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka.

Boqor Ibraahim iyo Suldaan Goodir oo ka hadlay xafladdii soo dhoweynta ayaa yiri “waxaan Muqdisho u nimid raadinta midnimada iyo taageeridda wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.”

Xafladdaasi loo sameeyay dhaqanka Soomaaliland waxaa ka qeybgalay xunmo ka socday duubabka dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed.