Wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka oo la kulmay dhiggiisa dalka Azerbaijan

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa magaalada Baku kulan kula yeeshay Wasiirka Dhaqanka Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Adil Karimli.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Azerbaijan ee dhinacyada dhaqanka, fanka, is-weydaarsiga khibradaha iyo ballaarinta fursadaha iskaashi ee labada wasaarad.

Wasiirka Dhaqanka ee dalka Azerbaijan Mudane Adil Karimli ayaa soo dhaweeyay wasiir Cabdifitaax Qaasim iyo wafdigiisa, isagoo bogaadiyay taageerada ay Soomaaliya u muujiso Azerbaijan ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Wasiir Adil Karimli ayaa ballan qaaday in Soomaaliya uu ka taageeri doono arrimaha dhaqanka, tababarada iyo horumarinta hay’addaha ka shaqeeya dhaqanka iyo fanka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Azerbaijan martiqaadka iyo soo dhaweynta loo sameeyay, isaga oo bogaadiyay qabanqaabada heerka sare ah ee madasha caalamiga ah ee lagu xoojinayo is-fahamka iyo wada noolaanshaha dhaqamada kala duwan.

Waxaa wasiirka kulanka ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Azerbaijan Mudane Cabdinuur Daahir Fiidoow iyo la taliyaha wasiirka Dr. Cabdicasiis Jeylaani.