Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Dhagar-qabe ka tirsanaa khawaarijta

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), iyo Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen waxa ay gacanta ku dhigeen Dhagar-qabe Xasan Nuur Muuse, oo loo yaqaan Makane iyo Cali Sabti, kaas oo ku howlanaa in uu fal amni-darro ah ka gaysto Xaafada KPP ee Degmada Hodan, Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada Ilaalada Shacabka ee NISA oo u Tababaran ka hortagga noocyada dhagareed ee Khawaarijta isla markaana si wayn ula falgala Shacabka ayaa dareemay dhaq-dhaqaaqa Dhagar-qabaha, kaddibna waxa uu isku dayay in uu baxsado, asaga oo iska tuuray bam-gacmeed uu watay, balse Ciidamada oo adeegsanaya xirfad sare ayaa gacanta ku dhigay Dhagar-qabaha oo badqaba.

 

Soo qabashada Khawaarij Xasan Nuur Muuse, waxa ay muujineysaa feejignaanta Ciidamada Amniga iyo sida ay uga go’an tahay in aan Khawaarijta loo oggolaan in ay ku dhex dhuuntaan Shacabka Soomaaliyeed, waxay sidoo kale farriin cad u tahay Dhagar-qabe kasta oo ku fakari lahaa in uu maleego qorshe lagu waxyeelleynayo Shacabka Soomaaliyeed.

 

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxay sii xoojineysaa howlgallada looga hortagayo weerarrada Argagixisada, iyada oo mudnaanta la siinayo Amniga iyo badbaadada Shacabka Soomaaliyeed.