Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in Musiibooyinka soo noqnoqda, gaar ahaan Abaaraha iyo daadadka ka dhasha isbeddelka cimilada, ay caqabad weyn ku yihiin kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya iyo adkaysiga Bulshada.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA waxuu hadalkan ka sheegay bandhigga Warbixinta Dhaqaalaha Qaranka 2026 ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka (NEC), isaga oo adkeeyay in Maalgelinta digniinta hore, ka-hortagga musiibooyinka iyo dhismaha u adkaysiga Bulshada ay yihiin Maalgashi muhiim u ah Horumarka Dhaqaale ee Dalka.
Wuxuu xusay in Musiibooyinku saameeyaan wax-soo-saarka, Dhoofka Xoolaha, hab-Nololeedka Bulshada iyo Dakhliga Dowladda, taas oo kordhinaysa kharashaadka Gurmadka Degdegga ah, isla markaana dib u dhigaysa Maalgashiga adeegyada Bulshada iyo horumarinta Dalka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle wuxuu ku baaqay in Miisaaniyadda Qaranka loo qoondeeyo maalgelin joogto ah oo lagu yareynayo khatarta Musiibooyinka, lana xoojiyo Iskaashiga Dowladda, Hay’adaha Maaliyadeed, Ganacsatada iyo Qurba-joogta si loo taageero ka-hortagga Musiibooyinka, dib-u-dhiska iyo abuurista fursado Dhaqaale oo waara.

