Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulan-doceed la yeeshay Wasiirka Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Mudane Jam Kamal Khan, intii ay socotay Madasha 9-aad ee Maalgashiga Adduunka ee magaalada Doha, dalka Qatar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo ka faa’iidaysiga fursadaha maalgashi, si loo kobciyo xiriirka ganacsatada Soomaaliya iyo Pakistan.

