Xafiiska Siyaasadda QM ee Soomaaliya oo la xiray

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay munaasabad lagu soo xirayay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Munaasabaddan ayaa lagu soo afjarayay howlaha xafiiska UNTMIS, kaas oo door ka soo qaatay taageerada geeddi-socodka siyaasadeed, nabad-dhisidda, dowlad-dhiska iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Soo xiritaanka xafiiskan ayaa qeyb ka ah isbeddelka ku yimid qaabka wada-shaqeyneed ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaddib muddo ay hay’addu ka shaqeyneysay taageerada hannaanka siyaasadeed iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah ee dalka.