๐Š๐ฎ-๐’๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐“๐จ๐๐๐จ๐›๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š

Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ahna Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Toddobaadka Qaran ee Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay hodantinimada kheyraadka badda Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in si hufan looga faaโ€™iideysto, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, loo abuuro fursado shaqo, loona xoojiyo sugnaanta cuntada.

Ku-simaha Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa adkeeyay muhiimadda horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ah, dhiirrigelinta maalgashiga kalluumeysiga, iyo tayeynta awoodda kalluumeysatada Soomaaliyeed, si kheyraadka badda uu door muuqda uga qaato horumarka iyo kobaca dhaqaalaha qaranka.