WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyey Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran, iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga soo qaybgalaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14-18 Nofeembar 2026.
Gogoshan ayaa ujeedkeedu yahay in si wadajir ah looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka, si ku dhisan is-afgarad iyo isu-tanaasul.


