Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS Cabdullaahi Xayir ayaa ka war bixiyey shirka iskaashiga dhaqaalaha Soomaaliya iyo Marocco oo magaalada Rabat lagu soo gabagabeeyay.
Shirka oo bilowday 19-bishan ayaa looga hadlay sidii Soomaaliya iyo Marocco isaga kaashan lahaayeen horumarinta dhaqaalaha labada dal, iyada oo la eegayo fursadaha maalgashi, tababarada ganacsi iyo khibrad wadaagga labada dal.
Agaasimaha ayaa xusay in wafdiga ka socday Soomaaliya oo ka koobnaa dhowr hay’adood ay booqdeen Wasaaradaha ganacsiga, Beeraha iyo Kalluumaysiga dalka Marocco, halkaas oo ay kula kulmeen madaxda wasaaradahaas ayna is dhaafsadeen macluumaad ku saabsan fursadaha maalgashi ee labada dal ay ka faa’iideysan karaan.
Sidoo kale wafdiga ayaa booqday Dekadaha dalka Marocco qaarkood, hay’adaha macdanta iyo horumarinta abuurka, halkaas oo loogu sameeyey soojedino ku aaddan khibrad wadaag.
Agaasime Cabdullaahi Xayir ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee wafdiga Soomaaliya loo maamuusay, looguna marti galiyey dalka Marocco oo Soomaaliya la leh cilaaqaad saaxiibtinimo oo muhiim ah.

