Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kormeeray qeybo ka mid ah xarunta Villa hargeysa oo ay ka socdaam howlo dib-u-dhis Dayactir ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ku howlan dardargelinta, horumarinta iyo casriyeynta xarumaha Golaha Shacabka, ayaa maanta kormeer ku sameeyey qayb ka mid ah xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, halkaas oo ay ka socdaan hawlo dib-u-dhis, dayactir iyo casriyeyn ah.

Kormeerka ayaa ujeedkiisu ahaa in Guddoomiyuhu si dhow ugu kuurgalo heerka ay marayaan hawlaha dib-u-dhiska iyo dayactirka, tayada shaqada iyo habsami-u-socodkeeda, iyadoo arrintani qayb ka tahay hiigsiga Guddoomiyaha ee ah in la tayeeyo kaabayaasha iyo xafiisyada Golaha Shacabka, lana casriyeeyo goobaha shaqada si ay ula jaanqaadaan heerarka casriga ah ee xarumaha baarlamaannada caalamka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa intii uu kormeerkiisa ku guda jiray faray in si hufan oo tayo leh loo sii ambaqaado hawlaha socda, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo xarumo shaqo oo casri ah, habboon, isla markaana fududeeya gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, waxayna tallaabadani sidoo kale ay qeyb ka tahay qorshaha guud ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee lagu horumarinayo adeegyada iyo kaabayaasha Golaha, si loo abuuro jawi shaqo oo u qalma hay’adda sharci-dejinta Qaranka.