Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa Maanta ka guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Saldanadda Cumaan u soo magacawday Soomaaliya, Mudane Saalim Bin Xabiib Al-Cumeyri.
Wasiirku waxa uu soo dhoweeyay Safiirka Cusub, isaga oo u ballanqaaday in Wasaaraddu ay si buuxda uga taageeri doonto gudashada waajibaadkiisa Diblomaasiyadeed.
Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaan ayaa Safiirka ugu hambalyeeyay dib-u-furista Safaaradda Saldanadda Cumaan ee Muqdisho, ka dib 36 Sano oo ay xirnayd.
Wasiirku, waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid si cad u muujinaysa kalsoonida xooggan ee Saldanadda Cumaan ay ku qabto Soomaaliya.
Dhanka kale, waxa uu Dowladda Cumaan uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u muujiso Madaxbannaanida, Midnimada iyo wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


