Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda Hawada Sare ee Türkiye oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Wafdi ka kooban Mas’uuliyiin uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Hay’adda Hawada Sare ee Türkiye, Mudane Fatih Dulkan, oo ay weheliyaan Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Warshadaha iyo Teknolojiyadda, Warshadaha Difaaca iyo Shirkadda Roketsan, ayaa booqasho ku yimid Soomaaliya.

 

Wafdigu waxa uu kulamo iyo kormeerro ku sameeyay hawlaha ka socda Muqdisho iyo Warsheekh.

 

Iskaashiga u dhexeeya Türkiye iyo Soomaaliya ayaa sii ballaaranaya, isaga oo ku fidaya dhinacyada Hawada Sare, Warshadaha, Teknolojiyadda iyo Warshadaha Difaaca.