Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka JFS oo hambalyo u dirtay hoggaanka cusub ee Hirshabeelle

Sadia Yasin Samatar Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka SoomaaliyaWaxaan ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Dowladda-Goboleedka Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowladda-Goboleedka Hirshabelle, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, oo maanta loo doortay hoggaanka Hirshabeelle.

Waxaa ay Alle uga bariday inuu ku asturo xilalka loo igmaday, kuna garab galo gudashada waajibaadkooda, u adeegidda bulshada iyo horumarinta Hirshabelle, Waxaan u rajaynayaa hoggaan ku dhisan xilkasnimo, daacadnimo iyo aragti horumarineed. Alle ha u fududeeyo gudashada waajibaadkooda, hana ka dhigo hoggaamiyeyaal ka shaqeeya nabadda, midnimada iyo horumarka shacabka Hirshabelle.