Mudane Cabdifataax Xasan Afrax ayaa ku guuleystay xilka Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Shanta Sano ee soo socota, kaddib markii uu helay 79 Cod.
Doorashada waxaa codeeyay 97 Xubnood, waxaana xumaaday 2 cod. Musharrax Cabdifataax Baashi Maxamed ayaa helay 16 cod.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Maanta doortay Hoggaanka Hirshabeelle, kuwaas oo ku yimid Codka Dadweynaha.

