Jowhar(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Hirshabeelle, Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Cabdi, ayaa Maanta ku dhawaaqay natiijada Doorashada Hirshabeelle, oo uu ku guuleystay Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Mudane Cali Guudlaawe uu helay 81 Cod, halka musharraxa la tartamayay, Nuur Cilmi Xalane, uu helay 13 cod. Doorashada waxaa codeeyay 98 Xildhibaan, iyadoo Afar Cod ay xumaadeen.
Sidoo kale, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa ku guuleystay Xilka Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isagoo helay 79 cod, halka Musharraxa la tartamayay, Cabdifataax Baashi Maxamed, uu helay 16 cod.
Hoggaamiyaha la doortay ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo Doorashada kadib hadlay ayaa yir “Waxaan u mahadcelinayaa Golaha Wakiilada Hirshabeelle kalsoonida aad igu doorateen hoggaaminta Hirshabeelle Shanta Sano ee soo socota.”

