Wasiirkii Hore Amniga Gudaha ee XFS oo hambalyo u diray Hoggaamiyaha Cusub ee Hirshabeelle

Wasiirkii Hore Amniga Gudaha XFS Mudane Abuukar Islow Ducaale ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha Cusub ee Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe kaas oo ku guuleystay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Jowhar.

 

“Waxaan hambalyo u dirayaa Walaalkey marna Saxiibkey Hoggaamiyaha cusub ee loo doortay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Waxaan uga Alle uga baryeynaa inuu u fududeeyo Mas’uuliyadda iyo Xilka Culus ee mar Labaad lagu aaminay 5-ta Sano ee soo socota.

 

Hoggaanka Cusub waxaan kula dardaarmayaa inay ku shaqeeyaan Midnimo, una howlgalaan, sidii dib u heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa Shacabka Hirshabeelle, gaar ahaan inta tabashada qabta”. ayuu ku yiri Mudane Islow Ducaale.