Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay Munaasabad lagu xusayay Sannad-Guuradii 64-aad ee Xorriyadda Dalka Uganda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay weheliyeen Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay Munaasabad lagu xusayay Sannad-Guuradii 64-aad ee ka soo wareegtay Xorriyadda Dalka Uganda, taas oo ay soo qabanqaabiyeen Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hambalyo u diray dhiggiisa Uganda, Mudane Yoweri Museveni, iyo Shacabka Dalkaas, isaga oo adkeeyay xiriirka Saaxiibtinimo iyo Iskaashiga xooggan ee muddada dheer ka dhexeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa bogaadiyay doorka ciidamada Uganda ay ka qaadanayaan dagaalka socda ee ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya ka siinayaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta Iskaashiga Labada Dal ee dhinacyada Difaaca, Ganacsiga, Dalxiiska iyo Maalgashiga, iyadoo la taageerayo dadaallada ballaaran ee isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

 

FB_IMG_1792842324862.jpgFB_IMG_1792842313216.jpgFB_IMG_1792842315495.jpg