Wasiir Fiqi “waxaan u baahanahay in miiska wada hadalka la isugu yimaado”

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay xaflad lagu soo dhoweynaayey waxgarad Soomaaliland ah oo ka qeybgalay dhismaha guddoonka cusub ee Galmudug ayaa ka warbixiyay ahmiyadda midnimada ay u leedahay bushada Soomaaliyeed iyo sida ay muhiimka u tahay in la dhowro.

“Dhibaatadii ay dowladdii milatarigu dalka oo dhan ka geysatay waxay ahayd mid aan la ilaawi Karin”,sidaasi waxaa yiri Wasiir Fiqi oo intaa raaviyay in cid kasta oo Soomaali ah ay la kulantay tacadiyo uga yimid xukuumaddii mileteriga.

Wasiiirka Gaashaandhigga ayaa xusay in haddii ay wax ka qaldameed heshiiskii dadka Soomaaliyeed ee 1960 loo baahan yahay in si wadajir ah looga wada hadlo wax kasto oo horseedi kara midnimada dadka iyo dalka.