Danjire Yusuf Axmed oo Al-jeriya uga qeybgalay kulan muhiim ah

Danjiraha dowlada Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Mudane Yusuf Axmed Xasan, ayaa ka qaybgalay kulan kala warqaadasho ah oo ku saabsanaa arrimaha ganacsiga,kaas oo ay soo xaadireen safiirada qaaradda Africa eek u sugan dalkaasi.

Kulanka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Aqoonta Dhaqaalaha iyo Ganacsiyada yar-yar ee dalka Aljeeriy waxaa looga hadlay horumarinta gacasiyadda yar-yar iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa wax soo saarka waddamada Qaaradda Africa.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Danjiraha dowlada Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya Mudane Yusuf Axmed Xasan iyo  Wasiirka Wasaaradda Aqoonta Dhaqaalaha iyo gancsiyadda yar-yar ee dalka Aljeeriya,Mudane Nuur El-Din Wadeh, waxa ay kaga wadahadleen qodobbo  ku saabsan xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sidii loo sameyn lahaa maalgashi laba dhinac ah.

Kulankaasi ayaa hordhac u ah shirweyne xagga ganacsiga oo la qorsheeyay in uu dhoco 5-7ka bisha December ee soo socota,kaas oo ay Dalka Al-jeeriya uga qeybgali doonaan dad gaaraya shan iyo laabtan kun oo qof iyo Wafuud heer wasiir ah oo gaaraya afartan, kana kala iman doona dhammaan dalalka Qaaradda Africa .

Wafuud ka socota rugta ganacsiga iyo warshadsha Soomaaliya, Hay’adda Maalgashiga iyo dhammaan ganacstadda Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan kulanka soo socda.