Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay xilka hoggaamineed ee Galmudug

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane Liibaan Axmed Xasan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in mudane Liibaan Axmed uu helay 72 cod,halka C/qaadir C/laahi Diiriye oo la tartamaayey  uu isna helay 14 cod .

Kulankii doorashada oo ka dhacday hoolka baarlamaanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaanno gaaraya 89, kuwaas bixiyay codka qarsoon ee loogu talagalay sanduuqa codeynta.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in sidoo kale la doorto ku xigeenka hoggaamiyaha Galmudug.